Goobaha codbixinta ee doorashada dalka Afganistan oo la furay

Waxaa dalka Afgaanistan ka bilabmatay doorashada madaxtinimada iyadoona la furay goobihii codeynta.
Doorashadan ayaa timid iyadoo laga cabsi qabo in kooxda Taliban dhibaato gaystaan kadib markii ay ku hanjabeen inay carqaladeynayaan hawlaha doorashada.
Goobaha codbixinta ayaa la furay 7-dii fiidnimo ee saacada dalka Afganistan waxaana la soo xiraya 5 galabnimo ee maanta oo sabti ah.
Kumanaan ciidamo oo isgu jira military iyo boolis ayaa la geeyauy goobaha codbixinta si ay u ilaaliyaan amaanka.
Waxaana si adag loo adkeeyay guud ahaan ammaanka dalka Afgaanstan iyado laga cabsanaya in Taliban ay gaysato weeraro ay dad ku nafwaayaan.
Doorashada madaxtinimada wadanka Afganistan ayaa waxaa u tartamaya 15 musharax waxaana ugu cad cad madaxweynaha talada dalkaasi haye Ashraf Ghani iyo madaxa fulinta Abdullah Abdullahseen .
9.5 million oo codbixyaal ah ayaa isku diiwaangaliyay doorashada dalka Afgaanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here