Goobaha dadweynaha ee ismaamullada Kericho iyo Taita Taveta oo la buufinaya

Maamullada caafimaadka ee dowlad deegaannada Kericho iyo Taita Taveta ayaa weli wado buufin ay ka sameynayaan meelaha ay dadweynaha inta badan isugu yimaadaan.
Guddoomiyaha Kericho Paul Chepkwony ayaa warbaahinta u sheegay inay howshan sameeynayaan xilliga habeenkii maadaama uu wadanka bandowga ka jiro oo goobaha ganacsiga ay xiran yihiin.
Barasaabka ayaa dhanka kale digniin adag u diray dadka aan u hoggaansameyn awaamiirta Dowladda.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay inaynan fududeysan talada ah inaan aad la isugu dhawaan ee labada qof ay isku jiraan 1.5 miitar.
Guddoomiyaha ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta Granton Samboja ayaa isna hoggaaminaya buufin lagu xoojinayo nadaafadda.
Waxaa barnaamijkan laga billaabay magaalada Voi halka uu qorshuhu yahay in loo soo gudbo deegaannada kale ee Mwatate iyo Wundanyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here