Gorfeyn: Isbarbardhig; Qaraxyadii Texas iyo Kuwa gilgilay Beirut

Waa laba muuqaal oo isku mid ah, qaraxii bayruut waxuu ahaa mid u eg kii gobolka Texas ee dalka Mareykanka ka dhacay.

Waa Texas 1947.

Halkanna waa Beirut 2020.

Goobtuna waa Dekadeedii Bayruut iyo maqaasinadeedii, dhanka kalena waa magaalada Texas, goobtana waa dekadeedii.

Shixnad Ammonium oo dhan 2700 tan ayaa caasimada Bayruut dhulka dhigtay, halka magaalad Texas-na ay sidoo kale la holacday Shixnad ammonium oo dhan 2300 tan.

Magaalada waxaa qariyey qiiqa is qabsaday, Kaamirooyinkii oo xilgaa wax duubayey ayaa dhanka badda ka duuben qaraxii hore.

Kaamirooyinka ayaa waxay la kowsadeen qarax waynaa ee Bayruut.

Isla sidaas oo kale ayaa ka dhacday gudaha Texas 1947, waliba isla xagalki bada ayey ka duubeen kaamarooyinka.

Taariikhda iyo qaddarka waa cajiib, halkan markiiba waxaa yimid dab-damiyayaal doonaya inay xakameeyaan dabka Bayruut, balse qaraxa ayaa galaaftay noloshoodii, halka dab-damisyadii Texas-na ay noqdeen danbas kadib qaraxii labaad.

Bayruut maanta waxay u muuqataa sida uu gobolka Texas ahaa bishii April 1947, qiiq baa hareeyey, dhismayaal iyo guryo baa burburay, waxaad arkeysaa wajiyo iyo dad fara badan oo rumeysan la’a musiibada oo dhextaagan gawaari jajabtay iyo kuwa gubanaayo,

Toddobaatan iyo saddex sano ayaa u dhaxeysa labada dhacdo, sababtana waa iskaga mid.

laakiin farqiga u dhexeeya ayaa ah
in xilligaani gacanta lagu wada sito aalada casriga ah iyo kaamirooyinka badan balse ma awoodin inay soo duubaan xaqiiqda taalla holaca baxaya hoostiisa .

Dhibaatada waa badan tahay, natiijaduna waa mid, boqollaal ayaa dhintay kumannaan waa dhaawac laakin waxay sugayaan iftiin rajo leh.

Murugada iyo musiibada Bayruud waa mid ka muuqato indhaha iyo qalbiyada dadka Carabaha oo dhan iyo bulshada ay ragaadiyeen colaadaha.

W/D. Ustaad; Cabdulqaadir Kuul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here