Guatemala oo mamnuucday safarrada gudaha dalka

Dowladda wadanka Guatemala ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in shacabka ku nool deegaannada kala duwan ay isu kala gooshaan.
Tallaabadan oo uu shaaciyay madaxweynaha dalkaas Alejandro Giammattei ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19.
Mr. Giammattei ayaa sido kale mamnuucay in la iibiyo ama la isticmaalo khamriga.
Amarradan ayaa dhaqangalaya galinka dambe ee maanta waxaa ayna shaqeeynayaan ilaa 12-ka bishan afaraad.
Wadanka Guatemala ayaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay 61 ah kiisaska Coronavirus halka dhimashada ay labo tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here