Guddi baaritaan ku sameynayay habdhaqanka garsoore Jackton Ojwang oo warbixin soo saaray

Guddi xaqiiqa raadis ah oo loo xilsaaray inuu baaritaano qoto dheer ku sameeyo eedeymo loo soo jeediyay garsoore Jackton Ojwang oo ka howlgalo maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ayaa shaaca ka qaaday in xaakinka uunan wax dembi ah lahayn.
Waxyaabaha lagu soo bandhigay warbixinta guddigan waxaa ka mid ah in caddeeymaha loo soo gudbiyay aynan noqon kuwo wax ku ool ah oo loo cuskan karo inuu xafiiska banneeyo.
Guddoomiyaha guddiga baaritaanada sameynayay ,Alnashir Visram ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in garsoore Ojwang uunan ku lug lahayn eedeymo loo soo jeediyay sidaasi awgeed uu howlihiisa shaqo u sii wadanayo sida ugu dhaqsiyaha badan.
Shalay ayaa warbixinta ay soo saareen loo gudbiyay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Baaritaanada ka dhan ah Mr. Ojwang ayaa la billaabay kaddib codsi 19-kii bishii saddexaad ee sannadkan loo bandhigay guddiga adeegga waaxda garsoorka ee JSC.
Waxaa codsigaasi geeyay ilaa 9 qof oo doonayay in dabagal lagu sameeyo waxyaabaho lagu dhaliilay xaakinka oo ay ka mid yihiin habdhaqan xumo iyo inuunan waajibaadkiisa sida habboon u gudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here