Guddi baaritaano kaddib sheegay inaan Myanmar xasuuq laga gaysan

Rohingya Muslim children, who crossed over from Myanmar into Bangladesh, wait squashed against each other to receive food handouts distributed to children and women by a Turkish aid agency at Thaingkhali refugee camp, Bangladesh, in October.

Guddi gaar ah oo loo xilsaaray inuu baaritaano qoto dheer ku sameeyo xadgudubyo sannadkii 2017-kii ka dhacay dalka Myanmar ayaa sheegay inay dhaceen dembiyo dagaal balse aan xasuuq la gaysan.
Waxaa xilligaas howlgallo milatari laga sameeyay gobolka Rakhine.
Tallaabadaas ayaa keentay inay barakacaan in ka badan 740,000 oo qof oo ka tirsan bulshada laga tirada badan yahay ee Rohingya.
Waxay dadkaas u carareen dhanka wadanka dariska la ah Myanmar ee Bangladesh oo ay weli qaxooti ku yihiin.
Qaramada midoobay ayaa howlgallada ciidamada ku tilmaantay isir sifeyn qaabeysan.
Maamulka ugu sarreeya ee Myanmar ayaa loo jeediyay dhaleeceyn caalami ah balse eedeymaha ayuu iska fogeeyay wuxuuna sheegay in saraakiisha ay la dagaalamayeen kooxo hubeysan.
Guddiga (ICOE) ayaa soo bandhigay waxyaabaha ilaa iyo hadda baaritaanada lagu ogaaday in kastoo warbixin dhameystiran uunan weli soo saarin.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo maalmaha soo socdo maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka la filayo inay dhibaatooyinka dhacay go’aan ka soo saarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here