Guddi baarlamaani ah oo doonaya inaan caanaha laga keenin dibadda dalka

Guddiga baarlamaanka ee arrimaha beeraha ayaa dalbaday in la joojiyo caanaha ay soo saaraan shirkadaha kala duwan ee laga soo dejiyo dalka dibaddiisa.
Xilli xubnaha guddigan ay la kulmeen xoghayaha wasaaradda beeraha iyo xoolaha nool ee la dhaqdo ,Harry Kimutai ayay dowladda ku eedeyeen inay sabab u tahay inay hoos u dhacaan shirkadaha caanaha ee wadanka.
Guddoomiyaha guddigan ahna xildhibaanka Koonfurta Mandera Adan Haji iyo xubnaha kale ee uu hoggaamiyo ayaa dowladda uga fadhiya inay mamnuucdo in caano laga keeno meel wadanka ka baxsan.
Waxay siyaasiyiintan ku doodayaan in gudaha dalka ay ka jiraan warshado badan oo u baahan in fursad buuxda la siiyo si loo sii dhiirigeliyo.
Mr. Kimutai ayaa guddiga baarlamaanka la wadaagay dokumeentiyo muujinaya in caanaha gudaha wadanka hadda laga soo saaro ay yihiin 5.6 bilyan oo liitar .
Hasa ahaate Kenya ayaa wadamada kale ee jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ka soo iibsata ku dhawaad 120 milyan oo liitar iyo 2 milyan oo liitar oo laga soo dejiyo dalalka aan xubnaha ka ahayn EAC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here