Guddi baarlamaani ah oo soo saaray isbeddelo lagu sameynayo baaritaanada la xariira macluumaadka

Mid ka mid ah guddiyada baarlamaanka dalka ayaa soo saaray hindise sharciyeed ku saabsan in isbeddel lagu sameeyo qeyb ka mid ah dastuurka wadanka u degsan.
Xubnaha guddigan ayaa doonaya in maamullada qaabilsan baaritaanada ku aaddan falal dambiyeedyada lagu qasbo inay oggolaansho ka helaan maxkamadaha ka hor inta aynan raadin macluumaadka shakhsiyeed ee eedeysanayaasha.
Hindise sharciyeedka ay mudanayaasha xubnaha ka ah guddiga isgaarsiinta iyo warfaafinta ee baarlamaanka soo jeediyeen ayaa loo yaqaana Data Protection Bill, 2019.
Guddoomiyaha guddigan ahna xildhibaanka deegaanka galbeedka Marakwet ,William Kisang ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay qorshahan uu yahay in lagu badbaadiyo macluumaadka Kenyaanka si aan xuquuqda dastuuriga ee eedeysanaha aan loogu xadgudbin.
Hasa ahaate soojeedintan ayaan ku saabsaneyn marka baaritaanada lagu sameynayo dadka lala xariiriyo falalka argagixiso maadamada helidda xogta gaarka ah ee qofkaasi ay suurtagal tahay inay dan guud ku jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here