Guddi ka tirsan aqalka sare oo maanta ka shiraya xilka qaadistii Anne Waiguru

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Mr. Ken Lusaka ayaa sheegay in lagu soo wareejiyay qoraal rasmi ah oo ku saabsan xilka qaadistii barasaabka Kirinyaga , Anne Waiguru.
Waxaa uu Mr. Lusaka xusay in 2:30 duhurnimo ee maanta uu fadhi yeelan doono guddi gaar oo qaabilsan howlaha aqalka senate-ka.
Guddigan ayaa eegi doono mooshinkii xilka looga qaaday Waiguru ka hor inta uunan caddeyn tallaabada xigta ee aqalka sare kaga aaddan muranka saameeyay hoggaanka Kirinyaga.
Aqalka sare ayaa waajibaadkiisa dastuuriga waxaa ka mid ah inuu eego isqabqabsiga siyaasadeed ee ismaamullada sida mooshinnada xilalka looga qaado barasaabyada.
Dokumeentiyada faahfaahinaya qaabkii Anne Waiguru xilka looga qaaday waxaa Mr. Lusaka u gudbiyay guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Kirinyaga Anthony Gathumbi.
Mr. Luska ayaa shacabka u sheegay in aqalka sare uu qaabka habboon u wajihi doono arrinkan si cid kasta ay caddaalad u hesho.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo barasaabka ismaamulka Kirinyaga Mrs. Anne Waiguru ee dhawaan ay wakiillada golahaas xilka ka qaadeen kaddib markii ay ku eedeyeen maamul xumo sida musuqmaasuqa iyo ku takriifal awoodeed ay shalay maxkamadda gaystay dacwad ay tallaabadaas kaga soo horjeedo.
Mrs. Waiguru ayaa ku doodaysaa in wakiilada golaha hoose ee dowlad deegaankaas ay dafireen amar maxkamadeed iyagoo si aqlabiyad leh ugu codeeyay inay xafiiska banneyso.
Waxay sheegtay in maxkamadda sare ay horay si ku meel gaar ah u hor istaagtay in xubnaha golaha hoose ee Kirinyaga ay ka doodaan mooshinkii ka dhanka ahaa iyadoo la eegaya cudurka Covid-19 ee dalka ka jiro.
Codsi degdeg ah oo ay u gudbisay maxkammada ayay ku codsatay in tallaabadii looga qaaday xilka lagu tilmaamo waxba kama jiraan ilaa iyo inta laga dhageysanaya go’aanna laga garaaya dacwadda ay garsoorayaasha u bandhigtay.
Qareenka Waiguru u doodaya oo lagu magacaabo Waweru Gatonye ayaa maxkamadda u sheegay inay doonayaan inay soo saarto amar lagu hor istaagaya in golaha hoose ee Kirinyaga ama maamul kale uu ka hadlo ama ku tallaba qaado xilka qaadistii ka dhanka ahayd barasaabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here