Guddi loo saaray caafimaadka maskaxda

Dowladda dhexe ayaa soo bandhigtay guddi loo xilsaaray inuu si gaar ah u eego caafimaadka dhanka dhimirka.
Waxa ay xubnaha guddigan ka shaqeyn doonaan in dadweynaha fursad loo siiyo sidii ay aragtidooda uga dhiiban lahayeen la tacaalidda xanuunada dhimirka.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka ,Sicily Kariuki ayaa guddigan magacaawday.
Tallaabadan ayay wasaaraddu qaaday kaddib amar ka soo baxay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in la doonayo in lala yimaado istaraatiijiyad iyo xeerar wax looga qaban karo falalka isdilka ee sare u sii kacaya kuwaaso qaar ka mid ah lala xiriiriyo saameynta maskaxeed.
Guddigan waxaa hoggaaminaya Dr. Frank Njenga waxayna kulamada dadweynaha ay ka soo qeyb galayaan ay billaabi doonaan 13-ka bishan oo ay ku hor marayaan ismaamulka Meru.
Waxay sido kale u gudbi doonaan Makueni, Eldoret, Nakuru dhaxaysa 14, 15 iyo 16 -ka bishan.
Sida uu qorshuhu yaahy waxaa ku xiga Kakamega (January 17), Kisumu (January 20), Nyeri (January 21), Garissa (January 22) iyo ugu dambeyn Mombasa 2-ka Jan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here