Guddiga adeegga dadweynaha oo hoggaamiye cusub yeelanaya

Guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC, Stephen Kigoro ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in Simon Kibet Rotich loo magacaabay madaxa fulinta.
Waxaa uu mas’uulkan xilka loo dhiibay hayn doonaa muddo shan sano ah.
Mr. Rotich ayaa hadda looga fadhiyaa inuu isbeddel ballaaran ku sameeyo shaqaalaysiinta howlwadeenada dowladda.
Sido kale waxaa la rajeynayaa inuu diiradda saaro wanaajinta waxqabadka shaqaalaha kala duwan si adeegyada bulshada loo fidiyo ay u noqdaan kuwo hufan oo taya leh.
Bishii saddexaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii guddiga PSC uu go’aansaday in Simon Kibet Rotich uu si ku meel gaar ah u sii hayo xilkii ay banneysay Alice Otwala kaddib markii ay ku biirtay guddiga qaran ee adeegga booliska.
Mr. Rotich inta aan xilkan loo magacaabin ka hor wuxuu ahaa ku xigeenka xoghayaha guddiga qaabilsan adeegyada shirkadaha.
Shabakadda rasmiga ee guddiga adeegga dadweynaha ee PSC waxaa ku qoran in Mr. Rotich uu in ka badan 30 sano maamule ahaa.
Waxaa lagu ammaanaa inuu khibrad dheer u leeyahay maamulka dowladeed taasoo u fududeysay dhaqangelinta adeegyo badan oo shacabka loo fidiyay xilli jagooyin kala duwan uu hayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here