Guddiga adeegga garsoorka oo turxaan bixin sameeyay

Guddiga adeegga garsoorka dalka ee (JSC) ayaa turxaan bixiyay saraakiil doonaya inay noqdaan karaaniyaasha maxkamadda ugu sarreysay ee wadanka
Waxaa saraakiishan su’aalo weydiiyay ku xigeenka madaxa cadaaladda dalka Philomena Mwilu iyo garsoorayaasha kale ee kala ah Smokin Wanjala iyo Isaac Lenaola.
Felix Koskei oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga JSC ayaa isna guddoomiyay kal fadhi kale oo lagu turxaan bixinayay shakhsiyaad soo codsaday inay ka mid noqdaan cilmi baarayaasha dhanka sharciga.
Waxaa kulankan sidoo kale ka qayb kalay garsoore John Mativo, Lilian Mutende iyo madaxa diiwaangelinta ee maxkamadda sare Judy Omange.
Sidoo kale waxaa la qabtay fadhiyo ay kala guddoominayeen garsoore Maxamad Warsame iyo Patrick Gichohi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here