Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC oo racfaan ka qaadanaya go’aan maxkamadeed

60

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa la filayaa inuu berri oo isniin ah maxkamadda geeyo dacwad racfaan ah oo uu uga soo horjeedo go’aan dhawaan soo baxay.
Maxkamadda shaqaalaha ayaa maalmo ka hor dhinac isaga dhigtay ku tallaaba qaadka xeerarka TSC ee qeexaya in macallinka oo la dallacsiiyo lagu saleynayo waxqabadkiisa.
Jimcihii ayay ahayd markii maxkamaddu ay soo saartay go’aankan oo ay u riyaqeen ururada barayaasha dalka.
Xoghayaha guud ee ururka KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa dhankiisa sheegay inay ku dadalayaan sidii loo dallacsiin lahaa 50,000 oo macallimiin ah.
Garsoore Byram Ongaya ayaa ururka qaran ee macallimiinta dalka KNUT iyo guddiga TSC ku amray inay isla meel dhigaan waxyaabo ay isku hayaan oo dhanka shaqada ah.
Hasa ahaate kulan ay shalay guddoomisay madaxa fulinta ee TSC Nancy Macharia ayaa laga soo saaray in arrinkan racfaan laga qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here