Guddiga adeegga macallimiinta oo mushaar siinaya dhammaan barayaasha

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in macallimiinta ay si iskood ah uga qayb qaadanayaan barnaamijka wax lagu barayo ardayda ay dugsiyada ka xiran yihiin ee bulshada ku dhex nool.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa shalay sheegay in dhammaan macallimiinta ay si joogto ah u helayaan mushaarkooda.
Waxaa uu gaashaanka u daruuray warbixino lagu sheegay in macallimiinta aan barnaamijkan ka qayb gelin aynan mushaar qaadan doonin.
Prof. Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu diiwaangeliyay barayaasha ardayda wax baraya.
Macallimiinta kale ayuu ku booriyay inay nidaamkan isku diiwaangeliyaan.
Magoha ayaa ku nuuxnuuxsaday in wasaaradda waxbarashada ay kaashan doonto wasaaradda arrimaha gudaha si loo daahfuro nidaamkan ay ka faa’iidayaan ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa dugsiyada sare.
Macallimiinta ayaa maalin kasta afar saacadood casharro siin doono ilaa 15 arday oo ku sugan xaafadaha ama tuulooyinka.
Guddiga TSC ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in casharrada si toos oo fool ka fool ah loo bixin doono laguna qabanaya meelo furan ama hoolal.
Waxaa la doonaya in ardayda wax la baro iyadoo la raacaya amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19 sida kala fogaanshaha, in ardayda ama macallimiinta uunan jirkooda istaaban iyo gacmo dhaqashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here