Guddiga baarayay xilka qaadistii barasaabka Kirinyaga oo warbixin soo saaraya

Guddi ka kooban 11 xubnood oo maalmo ka hor aqalka sare uu u xilsaaray inuu baaritaano ku sameeyo xilka qaadistii barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa la filayaa inuu galinka dambe ee maanta warbixin soo bandhigo.
Aqalka sare ayaa maanta yeelanaya kal-fadhi gaar ah oo lagu eegaya warbixinta.
Guddoomiyaha aqalka Senate-ka ,Ken Lusaka ayaa sheegay inay maanta qodobkan oo keliya ka hadli doonaan .
Wuxuu intaa ku daray in kaddib kulanka galabta howlaha aqalka sare la hakin doono ilaa 7-da bisha Toddobaad ee sannadkan.
Guddiga eegaya xilka qaadistii Waiguru ayaa waxaa hoggaaminaya senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala.
Maalmihii la soo dhaafay waxay xubnaha guddigan dhagaysanayeen faahfaahino ku saabsna eedeymo loo cuskaday go’aankii xilka looga xayuubiyay Waiguru.
9-kii bishan ayay ahayd markii 23 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Kirinyaga ay si aqlabiyad leh ugu codeyeen inay xafiiska baneeyo barasaabka oo ay ku eedeyeen maamul xumo sida musuqmaasuqa iyo inay dastuurka ku xadgudubtay.
Waxay Waiguru dhankeeda sheegtay in xilka qaadisteeda ay tahay mid salka ku hayso arrimo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here