Guddiga badda cas iyo arrimaha gacanka Cadan ee IGAD oo shir ku yeeshay Jabuuti

Bayaan ka soo baxay urur goboleedka IGAD oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM ayaa lagu sheegay in guddiga qaabilsan arrimaha badda cas iyo gacanka cadan uu shir ku yeeshay dalka Jabuuti.
Kulankan oo ahaa midkii labaad ayaa qabsoomay intii u dhexeysay 15-18 –kii bishan sagalaad.
Waxyaabaha xubnaha guddiggan ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah sidii la isaga kaashan lahaa ka faaiidaysiga fursadaha jiro iyo wax ka qabashada caqabadaha badda cas iyo gacanka cadan.
Waxay si gaar ah diiradda u saareen la tacaalidda kallumeysiga sharci darrada ah , wasaqeynta biyaha , socdaalka sharci darrada, xagjirnimada iyo burcad badeedda.
Ugu dambeyn waxaa uu guddigu ku heshiiyay in kulamada saddexaad iyo afaraad lagu qabto magaalooyinka Khartoum ee Suudaan iyo caasimadda soomaaliya ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here