Guddiga BBI oo isbeddelo dhowr ah soo jeediyay

Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa warbixintiisa ku soo jeediyay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay inuu ra’iisul wasaare jiro.
Xubnaha guddigan ayaa ku talinaya in qofka noqonaya ra’iisul wasaaraha dalka uu ahaado xildhibaan la soo doortay oo ka tirsan baarlamaanka dalka .
Sido kale waa inuu madaxweynaha wadanka shakhsigan soo xushaa oo uu ansaxin ka helo aqlabiyadda golaha baarlamaanka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeer ku sameyn doono fulinta howlaha dowladda , waxaa uu isku dubaridaya arrimnaha dowladda, sido kale danaha dowladda ayuu ku matalaya baarlamaanka halka uu guddoomin doono kulamada guddiyada kala duwan ee golaha wasiirada.
Hasa ahaate sida guddiga BBI uu ku talinayo waxaa ra’iisul wasaaraha xilka qaadis ku sameyn karo madaxweynaha ama in kalsoonida ay kala laabtaan xildhibaannada baarlamaanka.
Sido kale waxaa la soo jeediyay in xildhibaanada baarlamaanka ay si toos ah su’aalo u weydiin karaan ra’iisul wasaaraha iyo wasiirada.
Marka la eego dhanka doorashooyinka qofka ku guulaysanaya madaxtinimada dalka waxaa laga doonaya inuu helo boqolkiiba 51 ee codadka laga dhiibto guud ahaan dalka ama boqolkiiba 25 ee codadka ka soo dhaco ugu yaraan 24 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay.
Waa inay dadweynaha si toos ah u soo doortaan madaxweynaha oo ahaanaya mas’uulka ugu sarreeya ee dalka sido kalena ay ka amar qaataan ciidamada qalabka sida.
Sido kale BBI ayaan waxba ka beddelin muddo lixaadka madaxweynaha oo ah laba xilli oo min shan sano ah.
Madaxweynaha ayaa waxaa caawinaya ku xigeenkiisa oo marka ay doorashada guud dhacaysa ay wada jiraan .
BBI ayaa sido kale soo jeediyay inuu jiro xoghaye sare oo ka howlgalaya xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka .
Waxaa hoos tagaya oo uu guddoominaya shirarka guddiyada farsamo ee ay qeyb ka yihiin dhammaan xoghayayaasha wasaaradaha kala duwan ee wadanka.
Si meesha looga saaro muranka soo noqnoqday ee la xiriira natiijada doorashada madaxtinimo , musharaxii tartanka looga adkaado ayaa si magacaabid ah ku galaya baarlamaanka dalka wuxuuna noqonaya hoggaamiye mucaarad oo si rasmi ah ay dowladdu u aqoonsantahay.
Mas’uulkan ayaa soo dhisaya gole gaar ah oo dowladda talada haysa si joogto ah kula xisaabtamaya.
Guddiga dib u heshiinsiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa soo jeediyay in madaxweynaha uu soo dhiso gole wasiirro oo isku dhafan kana kooban xildhibaanno iyo aqoonyahaano.
Wasiiru dowlaha waa inuu ahadaa xildhibaan sido kale waxaa meesha laga saaraya xoghayayaasha ugu sarreeya ee dhanka maamulka u qaabilsan wasaaradaha ee loo yaqaano CAS.
Dhanka dowlad wadaajinta, waxaa weli wadanka ka sii jiraya 47-da ismaamul hasa ahaate miisaaniyadda loo qoondeeyo ayaa noqonaysa boqolkiiba 35 ilaa 50.
Guddigan ayaa doonaya in la soo saaro tallaabooyin lagu xallinaya shaqooyinka ama waajibaadka u muuqdo kuwo isdulsaaran si dhaqaale badan aan loo lumen.
Dowlad deegaanada ayaa sido kale lagu booriyay inay sameeystaan dallad goboleed ka shaqeynaysa horumarkooda.
Kheyraadka lagu wareejinayo ismaamullada wadanka waa inay la sinnaadaan ama kaafin karaan maareynta qarashaadka ku baxo howlaha la daadajiyay ee ay qabtaan.
Haddii barasaabka dowlad deegaanka uu qof rag yahay waxaa ku xigeen u noqonaysa haweeney.
Sido kale hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ayaa laga doonaya inay ku xigeenadooda ku soo magacaabaan 90 cisho gudaheed haddii ay ka gaabiyaan waxaa howshan la wareegaya guddoomiyaha golayaasha dowlad deegaanada.
Wakiilada golayaasha hoose ee ismaamulada ayaa loo xil saaraya inay maareeyaan lacagaha ardayda looga bixiyo dugsiyada ee loo yaqaano Bursary.
Sido kale waxaa la soo dhisaya guddiga adeegga caafimaadka iyadoo aan meesha laga saarin deegaan baarlamaneedyada 290-ka ah ee wadanka ka jiro.
BBI ayaa soo jeedisay inaan meesha laga saarin xilalka wakiilada haweenka iyo shakhsiyaadka si magacaabid ah ku galay golayaasha hoose ee dalka ee matalaya dhalinyarada, dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa qabo baahiyaha gaarka ah.
Soo jeedinta guddigan waxaa ka mid ah in magacaabida siyaasiyiinta ay noqoto mid caddaalad ah oo madax bannaan.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga ayaa laga doonaya kaddib marka maanta si rasmi ah warbixinta loo soo bandhigo inay la yimaadaan qaabka lagu dhaqangelinayo soo jeedinta guddiga BBI oo ku saleysan aragtidii kenyaanka ay dhiibteen.
Xubnaha uu hor kacayo Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa sido kale ku talinaya in ka hor doorashada guud ee 2022-ka la soo dhiso guddi cusub oo maareynaya codeynta.
Xisbiyada siyaasadeed ayaa laga doonaya inay soo magacaabaan shakhsiyaad daacadnimo iyo dhexdhexaadnimo isku darsaday si ay u noqdaan saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Haddii isbeddeladan la meel mariyo, guddoomiyaha cusub ee IEBC ayaa yeelanaya awood buuxda oo dhanka maamulka ah si uunan u jirin khilaaf kala dhexeya madaxa fulinta.
Maamulayaasha sare ee IEBC ayaa turxaan bixin lagu sameynaya halka xubnaha guddiga ay ku shaqeynayaan qandaraas saddex sano oo hal mar ah keliya la cusbooneysiin karo.
Saraakiisha IEBC u qaabilsan ismaamullada iyo deegaanada ayaa loo oggolaan doonaan inay maareeyaan hal doorasho oo keliya.
Sido kale waxaa geedisocod baarlamaani ah lagu buuxinaya xilalka ay banneyaan saraakiisha IEBC ee is casilo ama shaqada laga istaajiyo.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa qaabilsanaan doono oo keliya la tacaalidda falal dambiyeedyada musuqmaasuqa iyo ku takriifalka dhaqaale.
Guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC ayaa laga beddelaya magaca wuxuuna noqonayaa guddiga anshaxa.
Wasiirada oo hadda loo yaqaano Cabinet Secretaries ayaa dhaqangelinta warbixinta BBI kaddib lagu magacaabi doonaa Cabinet Ministers.
BBI ayaa soo jeedisay si loo xoojiyo la dagaalanka musuqmaasuqa Kenyaankana loo dhiirigeliyo in boqolkiiba 5 ee lacagaha la lunsaday ee la soo helay la siiyo qofkii musuqmaasuqa dhacay shaaca ka qaaday ama soo sheegay.
Shaqaalaha dowladda ayaa laga mamnuucaya inay wax ganacsi ah la yeeshaan dowladda iyadoo dhanka kale si fagaara ah loo soo bandhigayo dokumeentiyada ay howlwadeenada dowladda ku caddeeyaan hantida ay leeyihiin.
Waxaa sido kale la xoojinaya waaxda garsoorka iyo xafiiska hanti dhowraha guu ee qaranka.
Shirkadaha dowladda dhexe hoos tago ee loo yaqaano Parastatals ayaa dib u habeyn lagu sameynayaa.
Sido kale guddiga BBI ayaa soo jeediyay in la ilaaliyo xuriyadda saxaafadda si ay kaalin uga qaadato soo tabinta wararka ku saabsan falalka musuqmaasuqa.
Si loo yareeyo qarashaadka dowladda kaga baxo mushaar siinta shaqaalaha , waxay warbixintan soo jeedinaysaa in meesha laga saaro lacagaha gunnooyinka ee ay qaataan dhammaan saraakiisha dowladda ee shacabka u adeego.
In ka badan 4700 oo qof oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta ismaamullada dalka ayaa maanta isugu tagaya xarunta Bomas si ay goobjoog uga noqdaan soo bandhigga rasmiga ee warbixinta BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here