Guddiga BBI oo la filayo inuu dhawaan warbixin soo saaro

Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta Kenyaanka ee BBI ayaa shaaca ka qaaday inuu soo gabagabeeyay diyaarinta warbixin uu ku howlanaa in muddo ah.
Xubnaha guddigan ayaa si gaar ah u eegayay ilaa 9 qodob oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa iyo xal u helidda doorashooyinka lagu kala qeybsamo.
Waxay socdaal ku tageen ismaamulada kala duwan ee dalka iyagoo soo aruuriyay aragtida dadweynaha.
Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay hadal haynta siyaasadeed ee lagu taageerayo ama looga soo horjeedo guddigan iyo waxyaabaha la filayo inuu soo bandhigo.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa dareensan in guddigan uu soo jeedin doono in la qaado afti dastuurka wax looga beddelayo.
Xoghayayaasha guddigan Martin Kimani iyo Paul Mwangi ayaa sheegay inay shalay yeesheen kulankoodii ugu dambeeyay.
Waxay intaasi ku dareen inay si rasmi ah madaxtooyada dalka ugu wargeliyeen in warbixintii laga sugayay ay diyaar tahay sidaasi awgeedna la sugayo in madaxweynaha wadanka uu ka soo laabto Ruushka si loogu wareejiyo isaga iyo Raila Odinga.
BBI ayaa la magacaabay kaddib markii 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore kulan taariikhi ah ay yeesheen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here