Guddiga BBI oo maanta kulan yeeshay

Xubnaha guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa maanta kulan yeeshay.
Waxay eegayeen qaabka dastuurka dalka waafaqsan ee loo wajihi karo isbeddelada la doonayo in lagu sameeyo sharciga wadanka.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo hadda la qabtay isku soo baxyo gaaraya saddex oo shacabka lagu wacyigelinayo muhiimadda ay leedahay taageeridda iyo dhaqangelinta qodobbada ku xusan warbixintii la soo bandhigay dhammaadkii bishii 11-aad ee sannadkii tagay.
Guddoomiyaha BBI ahna senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa sheegay inay ka arrinsanayaan qorshaha geedisocodka warbixinta.
13-kii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dlaka Uhuru Kenyatta uu muddo kordhin u sameeyay guddigan oo ka kooban ilaa 14 xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here