Guddiga BBI oo muddo kordhin codsaday

Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa doonaya in loo kordhiyo muddo xileedkiisa si ay ugu suurtagasho inuu gabagabeeyo warbixin uu hadda gacanta ku hayo.
Warbixintan ayaa la filayaa in lagu wareejiyo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga.
9-kii bishii saddexaad ee sannadkii 2018-kii ayay ahayd markii labadan mas’uul uu dhex maray heshiis taariikhi ahaa kaddib loolan adag oo siyaasadeed.
Guddiga BBI oo ka kooban 14 xubnood ayaa waxaa hoggaamiyo senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji.
Xubnaha guddigan ayaana laga sugayaa dhaqangelinta warbixin ay soo bandhigeen bishii 11-aad ee sannadkii hore taasoo dib u eegis lagu sameeyay kaddib aragtida Kenyaanka.
Saraakiishan ayaa xal u raadinaya caqabadaha ka taagan dalka sida musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo doorashooyinka lagu kala qeybsamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here