Guddiga BBI oo sheegay in warbixintiisa ay diyaar tahay

Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar tahay warbixintii in muddo ah laga sugayay.
Waxaa guddigan hoggaamiya senatarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji.
Waxay sheegeen inay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM , Raila Odinga ka sugayaan inay ku wargeliyaan taariikh rasmi ah oo ay warbixinta guddoomi karaan.
Guddigan ayaa isagoo tixgelinaya soo jeedinta Kenyaanka loo xilsaaray dhaqangelinta qodobbada ku xusan warbixintii la soo bandhigay bishii 11-aad ee sannadkii hore.
BBI ayaa ka dhalatay heshiiskii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii sadeexaad ee sannadkii 2018-kii dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.
Geedisocodkan ayaa looga gol leeyahay in xal loogu raadiyo caqabadaha ka jiro wadanka sida musuqmaasuqa , qabyaaladda iyo doorashooyinka lagu kala qeybsamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here