Guddiga caafimaadka ee aqalka sare oo dalbaday warbixin hor dhac oo ku saabsan lacagihii laga dhacay KEMSA

Guddiga aqalka senate-ka ee dalka u qaabilsan arrimaha caafimaadka ayaa dalbaday in la soo bandhigo warbixin hor dhac oo la xiriirta hanti dhowrka taasoo lagu eegaya waxyaabaha lagu ogaaday lacagihii laga dhacay maamulka KEMSA.
Maamulkan ayaa qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka sido kalena daawooyinka caafimaad.
Hanti dhowraha guud ee Kenya Nancy Gathungu ayaa laga doonaya inay warbixintan soo saarto 30-ka bishan.
Haweeneydan ayaa sido kale looga fadhiyaa inay faahfaahiso qaabka loo adeegsaday lacagihii ismaamullada loogu talagalay inay kula tacalaan cudurka COVID- 19 .
Tani ayaa timid kaddib qeylo-dhaan ka soo yeertay shacabka oo ah in lagu takriifalayo kheyraadka dadweynaha.
Ms. Gathungu ayaa xubnaha guddigan ka codsatay inay qaab qoraal kooban ah ugu soo gudbiyaan waxyaabaha ay doonayaan in diiradda lagu saaro warbixinta hor dhaca ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here