Guddiga dakhliga ee Garissa oo warbixin soo bandhigi doono

Guddi gaar ah oo loo saaray inuu ka shaqeeyo arrimaha dakhliga ee ismaamulka Garissa ayaa la filayaa in maalinka khamiista uu warbixin soo bandhigo.
Guddigan ayaa waxaa bishii Tobnaad ee sannadkii hore soo magacaabay barasaabka dowlad deegaankaas Cali Bunow Qorane.
Xoghayaha ismaamulka Garissa Cabdi Muxumad Cali ayaa warqad uu u qoray saraakiisha sar sare ee waaxyaha kala duwan ku sheegay in warbixinta la xiriirta sare u qaadidda dakhliga soo galo dowlad deegaankaas lagu soo gudbin doono kal fadhi gaar ah oo la qorsheeyay.
Warqadda ka soo baxday xafiiska xoghayaha ayaa nuqullo ka mid ah la gaarsiiyay waaxyaha ganacsiga, arrimaha dhulalka , horumarinta magaalooyinka, caafimaadka, guriyeynta, xoolaha, beeraha, maaliyadda iyo kheyraadka dabiiciga.
Arrimahan ayaa shaaca looga qaaday qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee facebook-ga ee waaxda dowladda ismaamulka Garissa u qaabilsan dhanka isgaarsiinta.
Ismaamulka Garissa waxaa uu dhaqaale ka soo galaa canshuurta la qaado taasoo hadda la doonayo in la sii wanaajiyo maareynteeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here