Guddiga Dhameystirka Hab-raacyada Doorashada Soomaaliya oo Todobaad loo qabtay

Ka dib kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka Qaranka, ayaa waxay ku sheegeen in shaqadii loo igmaday intii ugu badan ay u qabsoontay waxa dhimana ay gacanta ku hayaan dhowaana soo gabagabayn doonaan.
Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan, Ibraahim Isaaq Yaraw, oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan dhowaana ay guddoonka ku wareejin doonaan hab-raaca dhameystiran ee sharciga doorashooyinka qaranka.
guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo isla markaana guddiga looga fadhiyo inay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman.
Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa dhankiisa amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen.
Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaay u xil saareen inay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo affar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka Qaranka kuwaasoo kale ah qoontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo maqaamka magaalada Muqdisho ee Caasimada ah iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka labadiisa gole ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ama Soomaaliland.
Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan May, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka Qaran si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka Soomaaliya uu galayo iyo qaabka loo qaban doono dhamaadka Sanadkaan ilaa iyo horaanta Sanadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here