Guddiga doorashooyinka Ghana oo sheegay inuu diyaar u yahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah

Guddiga doorashooyinka ee dalka Ghana ayaa sheegay inuu isu diyaariyay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah bisha soo socota.
Agaasimaha guddigaasi Siriboe Quarcoe ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in ay la kulmeen xisbiyada siyaasadeed ee wadankaas ugana warbixyeen diyaar garowga ku aadan doorashada.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in dhammaan xisbiyada ay ku qanceen hanaanka loo qabanayo doorashada.
Wadanka Galbeedka Afrika ayaa 7-da bisha Disembar qaban doona codbixin lagu dooranayo madaxweyne iyo 275 xildhibaan.
Xilka madaxweynanimo ayaa waxaa isu diiwaan geliyay inay u tartamaan 12 musharax, balse dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in loolanka adag uu dhex mari doona madaxweynaha hadda xilka haya ee Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo madaxweynihii hore John Dramani Mahama.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here