Guddiga doorashooyinka Puntland oo kulamo ka bilaabay Garowe

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka maamulka Puntland ayaa bilaabay kulamo wadatashi ah oo ay la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Shir ka dhacay xarunta TPEC ee magaalada Garowe, waxaa kasoo qaybgalay xubnaha Guddiga Doorashooyinka, saraakiil matalayay Xarumaha Cilmi Baarista iyo Jaamacadaha fadhigoodu yahay Puntland.

Guddiga ayaa xubnaha siiyay warbixin ku saabsan Barnaamijka Dimuqraadiyadda iyo faaiidooyinka uu leeyahay.

Waxay kaloo isdhaafsaday afkaaro ku aadan sidii loo hirgalin lahaa hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland.

Kulamada noocaan ah ayaa sii socon doona ilaa 10 October 2019 waxaana guddigu uga golleeyihiin sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha bulshadu ka qabto hannaankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here