Guddiga EACC oo ay u bartilmaameedsan yihiin qaar ka mid ah madaxda ismaamulada

Madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC , Twalib Mbarak ayaa sheegay inay baaritaano ku hayaan tiro uunan shaacin oo ka mid ah hoggaamiyaasha ismaamulada wadanka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in mas’uuliyiintan loo soo jeediyay eedeymo ku aaddan inay ku takriifaleen kheyraadka shacabka loogu adeego taasina lagula xisaabtamayo.
Mr. Mbarak ayaa xusay in EACC ay si dhow isha ugu hayso mas’uuliyiinta dowlad deegaanada ee haysta hanti ka badan intii ay horay shaaca uga qaadeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in baaritaanada ay sannado qaadan karaan balse uu cid walba oo mas’uul ah oo musuqmaasuqa iyo maamul xumo ku lug lahaato uu u xaqiijinayo in mar un lala xisaabtami doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here