Guddiga EACC oo dib u soo celiyay hanti dhan 3.1 bilyan

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa shaaca ka qaaday inuu dib u soo celiyay hantida dadweynaha ee la lunsaday taasi oo uu qiimaheedu yahay 3.1 bilyan oo shilin.
Hantidan ayaa dib loo helay intii u dhexeysay bilihii koobaad ilaa iyo shanaad ee sannadkan.
Shantii sano ee la soo dhaafay guddiga EACC ayaa la wareegay ilaa 10 bilyan oo si sharci darro ah lagu qaatay.
Madaxa fulinta ee guddigan , Twalib Mbarak ayaa xoogga saarayo in la helo hantida dadweynaha ee la dhacay iyadoo dhanka kale ay weli socdaan baaritaano la xariira musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here