Guddiga EACC oo qiimeynta halista musuqmaasuqa ka sameynaya ismaamullada

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa ismaamullada wadanka ka billaabay qiimeyn la xiriirta halista falalka wax isdabamarinta ee lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
EACC ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol-leeyahay in lagu daboolo dulduleelka ku saabsan musuqmaasuqa.
Sidoo kale waxay qiimeynta hay’adaha dowladda ka caawin doontaa inay xilli hore ka war helaan oo ayna ka hor tagaan falalka anshaxa xumada ah.
Ismaamullada barnaamijkan laga daahfuray waxaa ka mid ah Nandi iyo Nyamira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here