Guddiga EACC oo sheegay inay guddomiyayaal u soo xirayaan falal musumaasuq

Guddiga Anshaxa iyo la dagaalanka musuqmasuqa ayaa sheegay inay guddomiyayaal lala xirianyo lunsashada hantida dadweynaha ay u soo xirayaan.
Madaxa fulinta EACC Twalib Mbarak ayaa sheegay in tani aay xalad deganaan ku soo rogeyso ismamullada, Mbarak ayaa arrinkan sheegay mar u manta ka hadlayay 10-kii sano ee ka soo waregtay xiligii dastuurka dalka la soo saaray dastuurka dalka.
Waxa uu sheegay in guddomiyayaal xiligan maamulka haaya la doonayo inay gacanta ku soo dhigaan kuwaaso lala xirinayo dambiyada ku takrifalka hantida dadweynaha.
Gudoomiyashan aya waxeey kala yihiin , Mike Sonko-Nairobi, Okoth Obado-Migori iyo Mohamed Kuti -Isiolo.
Mbarak ayaa sido kale sheegay in guddomiyaal horana ay cadaalada hor keeni doonan, Waxana ay kala yihiin guddomiyihi hore ee Ismamaulka Nairobi Evans Kidero ,Ferdinand Waititu gudomiyahi hore ee Kiambu iyo Daniel Waithaka iyo si lamid ah guddomiyihi hore ee ismaamulka Nyandarua.
Sida uu sheegay Madaxa Fulinta, guddiga ayaa dib u helay hanti dhan 20-Bilyan, Wuxuuna xusay in dadka ay doonayaan in sida ugu dhakhsiyaha badan qofka maxkamada la keeno oo xabsiga la dhigo balse aysan ahaan in ay wakhti qaadato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here