Guddiga EACC oo soo dhaweeyay go’aan ka soo baxay madaxda kaniisadaha dalka

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay inay tahay arrin loo riyaaqo oo ku dayasho mudan go’aan dhawaan ay shaaca ka qaadeen madaxda kaniisadda Katholiga ee dalka.
Go’aankaasi ayaa ahaa in kaniisadaha aan laga oggoleyn lacagaha ay mas’uuliyiinta siyaasadeed bixiyaan iyadoo la iska ilaalinayo garab siinta lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Madaxa fulinta ee EACC ,Twalib Mbarak ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in baadiriyaasha ay tallaabo wanaagsan horay u qaadeen.
Waxyaabaha kale ee uu soo dhaweeyay ayaa ah in hoggaamiyaasha katholiga ay hoosta ka xarriiqeen inay guud ahaan wadanka ka fulinayaan olole soconaya 6 bilood oo dadweynaha lagu wacyigelinayo dhibaatada musuqmaasuqa uu leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here