Guddiga EACC oo u digay siyaasiyiinta sumcad ku raadsanaya deeqaha ay bixiyaan

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa digniin adag u diray barasaabyada ismaamullada ee dhibaatada jirta ee cudurka COVID-19 kaga faaiidaysanaya inay magacyadooda ku soo daabacaan waxyaabaha ay dadweynaha ugu deeqaan si ay uga helaan sumcad siyaasadeed.
EACC ayaa anshax darro ku tilmaantay in magac laga raadiyo deeq lagu qarash geliyay lacagaha dadweynaha.
Guddigan ayaa warqad uu u qoray golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee (CoG) ku sheegay in habdhaqanka noocan oo kale ah uu liddi ku yahay hoggaanka wanaagsan.
Madaxa fulinta ee EACC ,Twalib Mbarak ayaa walaac ka muujiyay in guddoomiyaasha dowlada deegaannada qaar ay sawiradooda ku soo bandhigeen xita gacma nadiifiyaha iyagoo ka dhigaya inay si shakhsiyeed dadweynaha ku caawinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here