Guddiga EACC oo u yeeeray 11 ka mid ah wakiilada golaha Meru

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa u yeeray guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Meru iyo 11 wakiilo ah.
Mas’uuliyiintan ayaa su’aalo laga weydiin doonaa soo magacaabidda qaar ka mid ah wasiirrada dowlad deegaankaasi.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa hal maalin un kaddib markii uu xilkii uu hayay iska casilay wasiirkii dhalinyarada iyo cayaaraha ee ismaamulka Meru Daniel Kiogora iyadoo uu muran ka taagan yahay shahaadooyinkii waxbarasho ee uu gudbiyay markii turxaan bixinta lagu sameynayay.
Dadka su’aalaha la weydiin doono waxaa ka mid ah guddoomiyaha golaha hoose ee Meru Joseph Kaberia iyo wakiilada kala ah Elias Murega ,Victor Karithi ,Ayub Bundi ,Esther Karimi Paul Bagine iyo kuwo kale oo dhowr ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here