Guddiga EACC oo warbixin ka soo saaray heerka musuqmaasuqa ee dalka

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maanta soo bandhigay warbixin laga soo saaray daraasaad ku saabsan falalka wax isdaba marinta iyo lunsashada kheyraadka dadweynaha ee ka dhex jira waaxyaha kala duwan ee dowladda.
EACC ayaa sheegtay in boqolkiiba 39.6 ee musuqmaasuqa uu ka dhex jiro booliska , boqolkiiba 12.9 shirkadda korontada ee KPLC,Caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF boqolkiiba (11.1), waaxda qaran ee adeegga dhalinyarada ee NYS (9.5%), Maxkamadaha boqolkiiba (8.6), guddiga qaran ee arrimaha dhulalka ee NLC boqolkiiba (8.1), maamulka canshuuraha ee KRA (6.8 boqolkiiba ),wasaaradda dhulalka (11 wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka boqolkiiba (10.4), wasaaradda arrimaha gudaha iyo iskuduwidda howlaha qaranka boqolkiiba (47.5), wasaaradda caafimaadka (17.9 boqolkiiba ) halka wasaaradda beeraha iyo waraabka lagu sheegay boqolkiiba (13.8).
Ugu yarana boqolkiiba 77 ee Kenyaanka daraasaadkan lagu wareystay ayaa sheegay in warbaahinta dalka ay inta dadaalkeeda ah wax ka qabanayso soo tabinta warbixinada ku saabsan musuqmaasuqa iyo howlgallada lagula dagaalamayo.
Shacabka Kenyaanka ah ee su’aallo kala duwan la weydiiyay ayaa boqolkiiba 49.4 waxay sheegeen in caqabadda ugu weyn ee uu wadanka wajahaya ay tahay musuqmaasuqa, waxaa soo raaca shaqa la’aanta oo ay ka dayrinayaan boqolkiiba (36.8%), saboolnimada ama gaajada (27.2%), maciishadda oo sarreysa (16.9%), kaabayaasha dhaqaale oo aan wanaagsaneyn sida waddooyinka iyo koronto la’aanta boqolkiiba (13.4%), amni darrada boqolkiiba (10.2%), halka xaalado dhaqaale oo aynan ku faraxsaneyn ay walaac ka muujinayaan boqolkiiba (11%).
Guddiga EACC ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka dhanka kale ku sheegay in sannadkii hore ee 2018-kii adeegyada laga bixiyo xarumaha loo yaqaano Huduma Centre la wanaajiyay boqolkiiba 36.4 marka loo barbardhigo sannadkii ka sii horreeyay ee 2017-kii oo lagu sheegay 35.3 boqolkiiba.
Sido kale waxaa sare u kacay heerka wacyigelinta ee xarumahan oo garaay boqolkiiba 97.1 halka laba sano ka hor ay ahayd boqolkiiba.
Marka la eego dhanka laaluush bixinta boqolkiiba 5.8 ee shacabka la wareystay ayaa sheegay in laga dalbaday inay bixiyaan lacago sharci darro ah si loogu adeego halka 2017-kii , tiradii arrintan walaac ka muujisay ay ahayd boqolkiiba 6.7 .
Laba sano ka hor waxay kenyaanka isku celcelis ahaan qaab laaluush ah u bixiyeen lacag dhan 5 kun ,halka hadda lagu sheegay ku dhawaad 4 kun oo shilin waana heerkii ugu hooseeyay ee laaluushka ee la diiwaangeliyo tan iyo sannadii 2012-kii.
Sida uu daraasaadka guddiga EACC muujinayo , ku dhawaad boqolkiiba 20 ee dadka lacagaha laaluushka ah laga qaatay waxay ku bixiyeen waaxda diiwaangelisa dadweynaha oo lagu sheegay boqolkiiba (19.9) Waxaa soo raaca isbitaalada dowladda oo ah boqolkiiba 19.7, booliska caadiga boqolkiiba 17.2 , xafiisyada guddoomiye xaafadeedyada ama jiifafka boqolkiiba 16 iyo wasaaradda arrimaha dhulalka oo laaluushka lagu bixiyay uu yahay boqolkiiba 6.3.
Isdhexgalka ka dhexeya kenyaanka xafiiyada kala duwan ee dowladda u raadsaday adeegyada iyo saraakiisha ka howlgalo iyo caawimaadda ay heleen ayaa korortay boqolkiiba 75.3 .
Guddiga EACC ayaa sheegay in daraasaadkan uu ka sameeyay dhammaan 47 ismaamul ee wadanka uu ka kooban yahay.
Waxaa ka qeyb qaatay oo su’aallo la weydiiyay 5,942 qof oo ku sugnaa qoysas kala duwan.
Cilmi baaristan lagu eegayay heerka musuqmaasuqa ee ka dhex jira waaxyaha iyo wasaaradaha dowladda dhexe ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 16-kii bishii 11-aad ilaa 19-kii bishii 12-aad ama Disembar ee sannadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here