Guddiga EACC oo xiray qaar ka mid ah sarakiisha ismaamulka Samburu

Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay saddex ka mid ah howlwadeennada sar sare ee dowlad deegaanka Samburu.
Mas’uuliyiintan ayaa lala xiriiriyay fadeexad la rumeysan yahay in lagu lunsaday lacag dhan 8 milyan oo shilin oo qaab qandaraas ah loo bixiyay.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah madaxa waaxda soo iibsashada qalabka Geoffrey Kitewan, sarkaalka sare ee dhanka maaliyadda Daniel Nakuo Lenolkirina iyo dhigiisa wasaaradda beeraha ee ismaamulkaas Reuben Lemunyete Maruben.
Agaasimaha ku xigeenka EACC ee bariga dalka George Ojowi ayaa sheegay in saddexda sarkaal ay iska indha tireen shuruucda u degsan bixinta qandaraasyada iyo soo iibsashada qalabka.
Qandaraaska sida aan habbooneyn loo bixiyay ayay EACC sheegaysa in la siiyay shirkadda CMC Motors Group Ltd si ay u keento cagafyo labo ah.
Eedeysanayaasha ayaa hadda baaritaano lagu wadaa waxaana la filayaa in maxkamadda la soo taago si loogu soo oogo dacwad la xiriirta dembiyada lagu tuhunsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here