Guddiga Farsamada doorashooyinka Soomaaliya oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada

Shir looga hadlayo Doorashada Soomaaliya iyo Hanaanka looga guuri karo doorashadii 2016-kii ka dhacday dalka ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ah talo wadaag iyo su’aalo waydiin toos u dhexmaraysa mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada ka jira dalka Soomaaliya iyo Guddiga Farsamada ee Ka Baaraandeggidda Tallooyinka, Hanaanka & Habsami u socodka Doorashooyinka Dalkaasi,waxaa doodaha dhinacyadaasi ay kusaleysan tahay Doorasho Nooce ah ayaa ku habboon in laga hirgeliyo dalka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u ansaxiyay Doorasho Qof iyo Cod balse waxaa markiiba uu sharcigaasi soo wajahay soo dhoweyn la’aan baaxad leh oo la xiriirta suurtagalinta daruufaha amniga ee ku xeeran iyo waqtiga iyo sida ay u qabsoomi karto.
Shirar wadatashi oo ku aadan isla qaadashada doorasho loo dhan yahay ayaa ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee Galmudug iyadoo wejigii sadexaad ee shirka wadatashiga Doorashada Soomaaliya loo ballansan yahay 15-ka bishan August oo ku beegan maalinta sabtida ee nasoo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here