Guddiga IEBC oo 36 xaeumood u diyaariyay doorasha ku celiska ee Kibra

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa maanta soo gabagabeeyey dib-u-eegista codbixiyeyaasha is diiwaan geliyay ee doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra, waxayna IEBC xaqiijiyay in 118,658 kun cod-bixiye ay is diiwan geliyayn.
Guddiga ayaa dhanka kale ku dhawaaqday dib u dejinta 26,788 kun codbixiye kale oo ka diiwaan gashan 36 xarumo iyadoona doorashada ku celiska la filaayo inay dhacdo November 7.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa warbixinta maanta xaqiijiyay.
Waxaana kamid ah goobaha doorashada ku celiska ee kibra lagu qabanayo Kibera Primary School, Ayany Primary School Playing Field iyo garoonka Goolf ee lagu ciyaaro.
Xisbiga ODM ayaa IEBC ka dalbadayn in ay soo daabacdo codbixiyeyaasha is diiwaan geliyay ee doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra kahor 7-da November.
Waxay musharaxiin matalaya xisbiyada ODM,Jubilee, Ford-Kenya iyo ANC loolan ugu jiraan inay buuxiyaan jagadii xildhibaananimo ee bannaanatay kaddib markii Ken Okoth uu u dhintay cudurka kansarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here