Guddiga IEBC oo bayaan ka soo saaray doorashada ku celiska ee Kibra

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmi ee twitarka waxaa uu ku sheegay in ka qeyb qaadashada doorashada ku celiska ah ee deegaanka Kibra ee ismaamulka Nairobi ay isku diiwaangeliyeen 30 musharaxiin ah.
Guddigu waxaa uu xusay in ilaa iyo hadda uu ansaxiyay ama inay tartanka xildhibaananimo ka qeyb galaan u oggolaaday 23 ka mid ah.
16 ka mid ah musharaxiintan waxay ka tirsanyihiin xisbiyo siyaasadeed halka 7-da kalena ay si madax bannaan loolanka uga qeyb galayaan.
Sido kale IEBC ayaa sheegtay in 7 musharaxiin ah oo aan weli la ansaxin waxaana loo aaneeyay inaynan ka soo bixin shuruudihii lagu xiray ama qaarkood aynan isa soo xaadirin.
Sido kale guddigan ayaa sheegay in ololaha siyaasadeed ee ku aaddan xilka xildhibaananimo ee deegaanka Kibra ee soo bilowday 9-kii bishan sagalaad uu ku egyahay ilaa 4-ta bisha Novembar.
Waxaa uu qorshuhu yahay in 7-da bisha koow iyo tobnaad ee sannadkan , deegaankaasi ay ka dhacdo doorashada ku celiska ah si shacabka ay u helaan mas’uul baarlamaanka ku matalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here