Guddiga IEBC oo kulan la qaatay madaxda ODM

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa maanta kulan la qaatay siyaasiyiin ay hor kacayaan guddoomiyaha xisbiga ODM Mr. John Mbadi iyo xoghayaha guud Edwin Sifuna.
Waxay labada dhinac ka wada hadleen maareynta doorashada ku celiska ah ee la filayo inay 7-da bisha koow iyo tobnaad ee sannadkan ka dhacdo deegaanka Kibra ee ismaamulka Nairobi kaddib markii cudurka Kansarka uu u geeriyooday Ken Okoth oo baarlamaanka ku matalayay.
IEBC ayaa xisbiyada siyaasadeed ee doorashada ka qeyb galaya iyo shacabka u xaqiijisay inay si buuxda isugu diyaarisay codeynta dhaceysa bisha soo socoto.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa xusay in doorashada loo maareyn doono si caddaalad ay ku dheehantahay.
Sido kale waxaa uu siyaasiyiinta xisbiga ODM u ballanqaaday in muddo 7 maalmood gudahood ah lagu soo bandhigayo liiska la cusbooneysiiyay ee diiwaanka codbixiyayaasha Kibra.
Mr. Chebukati ayaa sheegay in diiwaankaasi lagu wareejiyay sarkaalka IEBC u qaabilsan maareynta doorashada deegaankaasi si loogu sameeyo kormeer iyo xaqiijin dheeraad ah.
Guddiga IEBC ayaa sido kale soo saari doono qoraalo dadweyanaha u tilmaamaya goobta ay ka codeyn karaan maadaama uu isbeddel jiro.
Guddoomiyaha xisbiga ODM Mr. John Mbadi ayaa dhankiisa carrabka ku dhuftay inay u riyaqeen qaabka loogu soo dhaweeyay xafiisyada guddiga.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay inay kulan socday laba saacadood la qaateen saraakiisha sar sare ee uu hoggaaminayo Mr. Wafula Chebukati.
Mr. Mbadi ayaa sido kale sheegay in loo kala caddeeyay oo ayna ku qanceen ballanqaadka ah in doorashada ay si xaq ah u dhici doonto.
Dhawaan ayay ahayd markii agaasimaha arrimaha doorashooyinka ee ODM ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad uu sheegay inay socdaal ku tagayaan xarunta dhexe ee IEBC ee magaaladatani Nairobi.
Guddoomiyaha ODM oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in dad badan ay socdaalkaasi u qaateen dibadbax balse ujeedada ay saaka u tageen xarunta dhexe ee IEBC ay ahayd in wada hadal la yeesho , cabashooyinka ay qabaanna ay gudbiyaan oo keliya.
Mr. Junet Maxamad ayaa carrabka ku dhuftay inay ka warheleen qorsho ku aaddan in lagu shubto natiijada ka soo baxdo doorashada balse taasi aan lagu guulaysan doonin.
Dhanka kale 17-ka bishan Tobnaad ayuu qorshuhu yahay in IEBC ay doorasho ku celis ah ka sameyso deegaanada hoose ee Abaqeyle (Garissa), Loiyangalani(Marsabit), Ganda(Kilifi) iyo Mutonguni oo ka tirsan ismaamulka Kitui ka hor inta midda Kibra aynan dhicin bisha dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here