Guddiga IEBC oo maanta billaabaya inuu xaqiijiyo saxiixyo ku aaddan afti loo qaadayo dastuurka

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa maanta oo arbaco ah lagu wadaa inuu billaabo xaqiijin uu ku sameynayo saxiixyo loo gudbiyay.
Saxiixyadan ayaa waxaa soo aruurisay koox uu hor kacayo hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot.
Waxay doonaya in la qabto afti wax looga beddelayo dastuurka dalka u degsan.
Ololaha ay saxiixyadan uga soo aruuriyeen Kenyaanka ayay ugu magacdareen Punguza Mzigo oo ay micnaheedu tahay culeys la yareynayo.
Isbeddelada ay doonayaan waxaa ka mid ah in la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka oo ah 416 lagana dhigo 147.
In sido kale muddo xileedka madaxweynaha oo hadda ah laba mar oo min shan sano laga dhigo hal mar oo ah 7 sano.
Xisbigan ayaa guddiga IEBC u gudbiyay hindisa sharciyeedka (Constitution of Kenya Amendment Bill, 2019) oo ay weheliyaan 1.4 miliyan oo saxiixyo ah.
Sharciga dalka ayaa qabo si ay u suurtagasho in afti dastuurka loo qaado isbeddelna la sameeyo in loo baahan yahay hal milyan oo saxiixyo ah.
Guddiga IEBC ayaa laga doonaya in marka uu saxiixyadan xaqiijiyo uu hindise sharciyeedka ku wareejiyo golayaasha 47-da dowlad deegaan ee dalka.
Haddii ugu yaraan 24 ka mid ah ismaamulada dalka ay muddo saddex bilood gudahood ah ku ansaxiyaan waxaa loo gudbinaya baarlamaanka iyo aqalka sare si ay u meel mariyaan ama dhinac isaga dhigaan.
Tallaabada xigta ayaa ah in hadii aqlabiyadda baarlamaanka iyo aqalka sare ay hindisahan ansaxiyaan madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta loo gudbiyo si uu qalinka ugu duugo.
Hindise sharciyeedkan ayaa dhigaya in lacagta hadda ay dowladda dhexe u qoondeyso ismaamulada ee ah boqolkiiba 15 laga dhigo boqolkiiba 35.
Sido kale waxaa qeyb ka ah in horumarka dalka lagu saleeyo deegaanada hoose ee loo yaqaano Wards oo dhan 1,450 tani oo hadii la meel mariyo meesha ka saaraysa sanduuqa qaran ee horumarinta deegaanada ee (NG-CDF).
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa kooxda uu Aukot hoggaaminayo ku casuumay inay goobjoog ka noqdaan xaqiijinta saxiixyada.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa horay u dhaliilay ololaha loogu jiro in lagu beddelo dastuurka iyagoo sheegay inay jiraan arrimo kale oo ka muhiimsan kuwaasi oo u baahan in lala tacaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here