Guddiga IEBC oo sheegay in 14 bilyan ay ku baxayso aftida wax looga beddelaya dastuurka dalka

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa baarlamaanka u sheegay in hadii la qabanayo afti wax looga beddelaya dastuurka wadanka u degsan ay ku bixi karto qiyaastii 14 bilyan oo shilin.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday sii hayaha xilka madaxa fulinta ee IEBC Xuseen Marjaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qiimaha lacagtan ay ku saleyeen diiwaankii codbixinta sannadkii 2017-kii .
Marjaan ayaa sheegay in guddi ahaan ay fariisteen oo ayna isweydiiyeen dhaqaalaha dalka laga bixi karo afti la qabto in kastoo uu xusay in ay weli qiimeyn dheeraad ah sameynayaan.
Xuseen Marjaan oo ka soo hormuuqday guddiga xisabaadka ee baarlamaanka ayaa sidoo kale xusay in IEBC ay diyaar garoow ugu jirto afti dalka ka dhacdo iyo doorashada guud ee sannadka 2022-ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here