Guddiga Maamulka KAA oo agaasime cusub loo magacaabay

Guddiga maamulka maareeya gagida diyaaradaha dalka ee KAA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Mr. Alex Gitari loo magacaabay sii hayaha xilka madaxa fulinta .
Mas’uulkan ayaa horay u ahaa maamulaha dhanka maaliyadda ee waaxdaasi.
Magacaabiddan ayaa si rasmi ah u dhaqangalaysa beeri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da bishan tobnaad ee sannadka 2019-ka.
Mr. Gitari ayaa sanado badan ka soo shaqeeyay horumarinta bangiyada, xisabaadka , horumarinta ganacsiga , suuqgeynta iyo maareynta maaliyadda.
Arrintan ayaa timid kaddib markii uu fasax qaatay madaxii fulinta ee maamulka KAA Mr. Jonny Andersen oo lagu wado in muddo xileedkiisa uu dhammaado 21-ka bisha Novembar ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here