Guddiga masaajidka Jamia ee Nairobi oo amarro ka soo saaray ka hor tagga Coronavirus

Guddiga masaajidka weyn ee jamia ee magaaladatan Nairobi ayaa soo saaray tallaabooyin uu uga hortagayo faafida cudurka Covid-19 ee uu keeno fayraaska korona kuwaas oo dhaqangalaya maanta
1. Dadka da’da iyo dadka qaba dhibaatooyin caafimada ayaa waxaa lagu dhiiriyay in ay guryaha ku tukaadaan
2. Imaamyada Masaajidada dalka ku yaala ayaa lagu baaqay in ay duuceeyaan xiliga salaada
3. Madaama cudurkaan lagu qaado taabashada iyo isu dhawaanshaha maamulka ayaa go’aan ku gaaray n la xiro musqalaha iyo melaha lagu weesa qaato ee masaajidka iyadoona muslimiinta kutukada masaajidka laga codsaday in ay dibadda ay ka soo weysa qaatan.
4.Waxaa sido kale la shaaciyay in masaajidka la furaya 15 daqiiqo ka hor salaadda sido kalena marka ay salaadda dhammaato 15 kaddib la xiraya.
5. Ragga ayaa hadda kaddib waxay masaajidka ka soo geli doonaan saddex albaab halka dumarka ay hal irid adeegsanayaan.
6. Maalinka Jimcada waxaa masaajidka la furayaa 12.30 ee duhurnimo , salaadda Jimcada waxaa la tukanaya 1.25-ka si ugu dambeyn 1.45-ka masaajidka loo xiro.
Masaajidka ayaa ah kan ugu weyn dalka, waxaana maalintiiba ku cibaadeysta kumannaan Muslimiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here