Guddiga musharaadka oo qaadaya tallaabo sharciyeed oo ka dhan ah gunnooyin la siiyay xildhibaanada

Guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC ayaa sheegay inuu guda galayo tallaabo sharciga waafaqsan oo ka dhan ah lacagaha gunnooyinka ee la xariira hooyga ee dhawaan la siiyay mudanayaasha baarlamaanka.
Lacagahan ayaa waxaa bixiyay guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC halka shacabka dalka ay siyaabo kala duwan uga hadleen.
Guddoomiyaha guddiga SRC Lynn Mengich ayaa sharci darro ku tilmaantay in mudanayaasha ay bil kasta qaataan 250,000 oo shilin oo ah gunnooyin ku saabsan guriyaha ama hooygooda.
Mrs. Mengich ayaa intaasi ku dartay inay ku dadaali doonaan sidii lacagtaasi la bixiyay ay dib ugu soo celin lahayeen.
Waxay hoosta ka xariiqday in guddiga SRC ay mas’uuliyad dastuuri ah ka saarantahay inuu jaangooyo musharaadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dowladda si cadaalad ay u jirto sidaasi awgeedna aynan marnaba ogolaan doonin in la bixiyo lacago mushaar kordhin ama gunnooyin ah oo uunan guddigu ansixinin.
Sido kale waxay sheegtay in lacagaha gunnooyinka ee la siiyay xildhibaanada baarlamaanka ay sannad kasta dowladda Kenya uga bixi doonto lacag gaaraysa1.2 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here