Guddiga NCIC oo baaraya hadalo ay jeedisay barasaabka Kitui

Guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu ka war helay muuqaal lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xariirto kaasi oo laga dhex maqlayo codka guddoomiyaha ismaamulka Kitui Mrs. Charity Ngilu.
Mrs. Ngilu ayaa iyadoo adeegsanaysa luqad aan rasmi ahayn waxay dad shacab ah ku boorinaysa inay isdifacaan.
Qoraalka NCIC ayaa lagu sheegay in dad badan ay u qaateen in Ngilu ay hadaladaasi jeedisay mar dhow balse uu yahay mid la duubay sannadkii hore.
Xassan Sheekh Maxamad , madaxa fulinta ee NCIC ayaa xusay in guddigu oo kaashanaya waaxda qaran ee adeegga booliska iyo waaxda dacwad soo oogidda uu gabagabeynayo baaritaano la xariira kicin dadweyne oo ay guddoomiyaha horay u wajahaysay.
Sido kale guddigan NCIC ayaa bulshooyinka ku nool xuduudda ismaamulka Kitui ugu baaqay inay si nabad ah ku wada nooladaan iyadoo baaritaanada la filayo in dhawaan la dhameystiro si haweeneydan haddii dembi lagu caddeeyo tallaabo sharciyeed looga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here