Guddiga NCIC oo digniin soo saartay

Guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC ayaa baaq u diray siyaasiyiinta dalka.
Siyaasiyiinta ayaa loogu baaqay in aysan dooda warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI aysan u adeegsan mid kala qayb sanaan keeni karto.
Guddiga NCIC ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiintanta dalka ay jeediyaan hadalo kicin dadweyne marka ay ka doodayaan talooyinka ay soo jeedisay warbixinta BBI-da
Guddiga qaran ee NCIC ayaa sheegay in gudaha wadanka ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo horseedi karto xasarado dheeraad ah.
Agaasimaha Cabashooyinka iyo arrimaha sharciga ee guddiga NCIC Kyalo Mwengi ayaa sheegay in guddiga uu si dhow ula socdo hadallada ay siyaasinta ka jeediyaan isu soo baxyada siyaasadeed iyo fariimaha ay ku soo qoraan baraha bulshada.
Mr Kyalo Mwengi oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Muranga ayaa sheegay in guddiga uusan uu dulqaadan doonin madaxda hadallada naceybka jeedinaya islamarkaana talaabo sharci laga qaadi doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here