Guddiga NCIC oo ka digay in la isku diro shacabka Marsabit iyo Mandera

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa digniin ka soo saaray qoraalo uu sheegay in lagu faafinayo baraha bulshada oo looga gol -leeyahay in kicin dadweyne laga sameeyo ismaamullada Marsabit iyo Mandera.
Guddoomiyaha NCIC, Samuel Kobia ayaa xusay inay arrinkan dabagal ku hayaan.
Waxaa uu dadka isticmaalo baraha bulshada uga digay in si aan habooneyn ay u adeegsadaan xurriyadda uu qofku u leeyahay inuu dareenkiisa muujiyo.
Dr. Kobia ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay aad uga walacsan yihiin farriimaha naceybka ku saleysan ee la is dhaafsanaya.
Dr Kobia ayaa intaa ku daray in cidii lagu caddeeyo inay rabshad horseeday tallaabo sharciyeed laga qaadaya.
Ismaamullada Marsabit iyo Mandera waxaa horay uga dhacay dagaal beleedyo saameyn reebay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here