Guddiga NCIC oo kulan nabadeed ku qabtay Nanyuki

Guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC ayaa ismaamulka Laikipia gaar ahaan magaalada Nanyuki ku qabtay shir lagu xoojinayay nabadgalyada.
Waxaa shirkaas ka qayb galay madaxda siyaasadeed ee ismamaulka Marsabit sida wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yattani iyo barasaabka Marsabit Maxamuud Maxamad Cali.
Labadan mas’uul ayaa ka soo kala jeedo qowmiyado wada dego Marsabit oo ay sannado isku dhacyo ka dhexeyeen.
Siyaasiyiinta Marsabit ayaa ciidamada ammaanka ku eedeyay inaynan si buuxda kaga hor tagin falalka amni darrada sido kalena aan gacanta lagu soo dhigin dambiilayaasha dilalka gaysta.
8-dii bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii dableey aan haybteeda la garan ay afar qof ku dhishay aagga Songa ee Marsabit.
Waxaa dhacdadaas ka dhashay dibadbax ballaaran oo lagu cambaareynayay falkaas iyadoo in ka badan 6 saacadood ay xirnayd wadada weyn ee u dhexeysa Marsabit iyo Isiolo.
Arbacadii la soo dhaafay waxaa tuulada Gof-Choba ee degmada Sololo lagu dilay saddex qof kaddib markii dad xoolo dhaqato ah ay ku dagalameen goob xoolaha laga waraabiyo.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Marsabit Evans Achoki ayaa dhankiisa shacabka ku dhaliilay inaysan booliska marka ay raadinayaan eedeysanayaasha u soo gudbin xogaha muhiimka ah.
Isaiah Nakoru oo ah isku duwaha ammaanka ee gobolkaas ayaa siyaasiyiinta ku eedeyay inay bulshooyinka isku diraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here