DHAGEYSO:Guddiga NCIC oo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka

Guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC ayaa sheegay in gudaha wadanka ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo horseedi karto xasarado dheeraad ah.
Waxaa uu guddigu dhanka kale tacsi u diray ehellada iyo asxaabta labo qof oo ku dhintay rabshadihii shalay ka dhacay ismaamulka Murang’a.
NCIC ayaa qoraal ay soo saartay saacado ka hor ku xustay in bilooyinkii ugu dambeeyay ay sii kordhayeen hadallada nacaybka iyo kala qaybsanaanta ku saleysan ee ay jeediyaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka.
Guddiga ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in siyaasiyiinta iska soo horjeeda ay isku adeegsanayaan taageerayaashooda iyadoo wadanka uu la daala dhacaya cudurka COVID19 ee saameynta ku yeeshay nolosha malaayiin qof.
NCIC ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta ugu baaqday inay nabadda ku dadalaan oo ayna ka fogadaan hadallada iyo falalka sababi karo rabshadihii dhacay 2007-2008-dii oo kale.
Dhalinyarada ayaa sido kale looga digay fulinta danaha siyaasiyiinta ee siyaabaha aan wanaagsaneyn kaga faaiidaysto.
Guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka oo cambaareeyay rabshadihii shalay ee Murang’a ayaa laamaha ammaanka ku booriyay inay tallaabada ku habboon ka qaadaan cid kasta oo lagu caddeeyo inay ka dambeysay dhibaatadii dhacday.
Dhanka kale qaar ka mid ah shacabka Murang’a ayaa ka hadlay amar ka soo baxay abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai oo lagu soo xirayo labo xildhibaan waxayna dalbadeen in lala xisaabtamo dhammaan siyaasiyiintii shalay ku sugnaa ismaamulkaas oo uu ka mid yahay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here