Guddiga oo shaqaleysiinaya 1,000 maamulayaal dugsiyeed

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqaleysiinayo ilaa 1,000 sarkaal oo isugu jiro maamulayaasha dugsiyada sare iyo ku xigeenadooda.
Toddobaad ka hor ayay ahayd markii TSC ay sheegtay inay howlgelinayso 6,000 oo ah maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo ku xigeenadooda.
Madaxa fulinta ee guddigan ,Nancy Macharia ayaa sido kale hoosta ka xarriiqday in la shaqaleysiinayo 240 sarkaal oo gacan ka gaysanaya arrimaha manhajka iyo xaqiijinta tayada tacliinta.
Waxaa in muddo ah ururada macallimiinta ee dalka iyo guddiga adeegga barayaasha ee TSC ka dhexeyay muran ku aaddan nidaamka lagu dallacsiinayo macallinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here